Saturday, July 14, 2012

HAL HAYSKII HIIL QARAN


Halhayska Hiil Qaran
Professor Samatar dadaaladiisa waxaa ka mid ahaa inuu ururiyo bahda aqoonyahanada soomaliyeed si ay xal ugu helaan Somalia iyo soomali. Sidaa awadeed wuxuu ka soo qayb galay dadaalo badan oo lagu baadi doonaayo xal waara oo ummadu dhibaatada kaga baxdo.


Ugu dambayn Professor Samatar wuxuu ka mid noqday aas-aaseyaashii urur siyaasadeedka HiilQaran oo u magacaabay madaxa Siyaasada ee ururkaas. Isla ururkaasi wuxuu Professor Samatar u doortay inuu uga qayb galo tartanka doorashada Madaxtooyo ee dalka Somalia ka dhici doonta bisha sideedaad 20-keeda.
Professor Samatar waa aqoonyahnka cilmi ahaan uu ka soo maanguuray kalmad cilmiyeedka Tol oo nurux ahaan ururiye ah waana erey ka horjeeda ereyga qabiil oo asal ahaan kala geeye ah.
Musharaxa Jagada Madaxtooyo ee ururka Hiil Qaran wuxuu soo badhigay oo uu micno qeexan dul saaray dhibta soomalida ku habsatay iyo sobobaha keenay inaan guul laga gaadhin dhowr iyo tobankii shire e loogu yeedhay dibu-heshiisiin. Siyaasigu Smatar wuxuu garwaaqsaday in mashkalada Somalia xalkeedu ku jiro in wax laga qabto saddex shay oo gudaha ah iyo mid dibada la halmaasha.
Saddexda maskaladood ee soomalida gaar u ah:
1) In la dhayo wixii qoomiyad soomaliyeed la odhan jirey oo dhaawac weyn gaadhay
2) In dib loo yagleelo haykalkii dawladnimo ( State and national institutions)
3) In dawo loo helo hogaan la’aanta ama hoggaan xumada
Mashkalada afraad waa sidii loo dhisi lahaa karti inoo sahasha sidii caalamaka loola yeelan lahaa xidhiidh ku salaysan isqadarin aan quudhsi lahayn. “Haddii xirfadihii aduunku inagu aamini lahaa aan la nimaadno, caalamnku wuu inoo soo joogsan isagoo ina ixtiraamaaya waa ereyada Professor Samatar ku celcesho.
Professor Samatar wuxuu horey u yidhi : wax shisheeye kuu soo kariyo dawo kuuma noqdo…

1 comment:

  1. The best online casino
    There are many ways 인카지노 to gamble 샌즈카지노 online on Bet365; one of the world's leading kadangpintar casino games providers; Bet365 is one of the world's best

    ReplyDelete

 

UJEEDOOYIN

Ujoodeyiinka prof: ahmed ismail samatar waxa ka mid ah , nabadaynta dalka somaliya ,inuu kor u qaado heer ka waxbarasho , inuu dhiiri galiyo dhalinyarada somaliyed haween iyo ragba siiyana fursad waxbarasho iyo shaqo, in uu sameeyo hormar dalka gudihiisa iyo dibadiisa, inu dhaliyo dawlad lagu kalsonyahay oo caadaalad leh soona celiyo midnimadii iyo is jeceylkii umada somaliyed iyo kuwo badan ooynu halkan kuso koobi karin

WAX QABADKA

Prof: ahmed ismail samatar waxa uu qabtay waxa ka mid inuu sameyay jamacadu ku yaal dalka maraykanka (America) si ay uga faidaystan umada somaliyeed ee ku nool wadankaas, waxakalu qabtay in uu ahmiyada saray dhanka waxbarasho ee gudaha somaliya , uun ka fuliyay mashariic waxbarasho dalka somaliya , iyo waliba hawlo badan oonan soo kobi karin

Recent Comments

Recent Comments Widget
 
Animated Social Gadget - Blogger And Wordpress Tips
Blogger Wordpress Gadgets