Friday, July 13, 2012

Tariikhta Pro: ahmed ismail samatar oo kooban

Professor Axmad Ismaciil Samatar wuxuu ka mid yahay aqoonyahannada waaweyn ee Soomaalida kuwooda safka hore, hadduusanba ahayn kan koowaad. Waa indheergarad maskax-maal ah oo si joogto ah isha ugu haya waxa ka socda Soomaaliya iyo adduunkaba. Wuxuu aad u taxliiliyaa is-beddelka xaaladaha caalamka. Wuxuu wax ku bartay dalka Mareykanka muddo hore........


Wuxuu haddeer hormuud (Dean) ka yahay institute for Global Citizenship, Macalester College. Sidoo kale, waa James Wallace Professor ee dhinaca culuunta caalamiga (International Studies).

Wuxuu shahaaddada B.A. ka qaatay University of Wisconsin (La Crosse) sannadkii 1978-kii. Saddex sano kaddib,1981-kii, wuxuu shahaaddada M.A. ka qaatay University of Denver. Isla mar ahaantaas, wuxuu shahaaddada Ph.D. ku diyaariyey isla jaamicaddaas sannadkii 1984-kii.

Presidential candidate-Prof. Samatar
Prof Axmad Ismaciil Samatar, wuxuu muxaadarooyin ka soo jeediyey jaamacado iyo kulliyado dhowr ah oo ay ka mid yihiin; University of Amsterdam, Cornell, Harvard, Iowa, London School of Economics and Political Science, Oslo University, University of Pennsylvania, Jaamicaddii Ummadda Soomaaliya, Toronto University, York University, School of Oriental and African Studies (SOAS) ee Jaamicadda London iyo Wellesley College. Wuxuu qoray shan kitaab iyo sodameeyo qoraal cilmiyeed isla markaasna wuxuu maamulaa laba diwaan oo lagu faafiyo aqoon baadhista. Agab cilmiyeedka Professor Samatar waxaan ka soo qaadan karnaa:

No comments:

Post a Comment

 

UJEEDOOYIN

Ujoodeyiinka prof: ahmed ismail samatar waxa ka mid ah , nabadaynta dalka somaliya ,inuu kor u qaado heer ka waxbarasho , inuu dhiiri galiyo dhalinyarada somaliyed haween iyo ragba siiyana fursad waxbarasho iyo shaqo, in uu sameeyo hormar dalka gudihiisa iyo dibadiisa, inu dhaliyo dawlad lagu kalsonyahay oo caadaalad leh soona celiyo midnimadii iyo is jeceylkii umada somaliyed iyo kuwo badan ooynu halkan kuso koobi karin

WAX QABADKA

Prof: ahmed ismail samatar waxa uu qabtay waxa ka mid inuu sameyay jamacadu ku yaal dalka maraykanka (America) si ay uga faidaystan umada somaliyeed ee ku nool wadankaas, waxakalu qabtay in uu ahmiyada saray dhanka waxbarasho ee gudaha somaliya , uun ka fuliyay mashariic waxbarasho dalka somaliya , iyo waliba hawlo badan oonan soo kobi karin

Recent Comments

Recent Comments Widget
 
Animated Social Gadget - Blogger And Wordpress Tips
Blogger Wordpress Gadgets